Keydmedia Online is under expansion!
Xiisada u dhaxeysa Xukuumadda Itoobiya iyo ismaamulka Tigray-ga ayaa u muuqata mid cirka isku shareertay maalmihii lasoo dhaafay, wuxuuna dalka Itoobiya qarka u saaranyahay dagaal sokeeye sidee Keydmedia Online soo qortay bilowgii todobaadkaan.
Xisbiga TPLF ayaa awoodda siyaasadeed iyo mida Militeri ee dalka Itoobiya gacanta ugu jirtay ku dhawaad 30 sano kahor inta uusan Abiy Axmed uu xukunka la wareegin 2018-kii.
Mudooyinkii dambe gobollada qaar ayaa billaabey dhaqdhaqaaqyo gooni u goosad ah, oo ay uga soo horjeedaan dowladda uu hogaamiye Abiy Axmed.
Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ka shidaal-qaato Abiy Axmed, oo xiriirkooda uu fiicnaa tan iyo 2018 markii uu isedelka ka dhacay wadanka Itooboya, oo mudo qas iyo faragelin ku hayay siyaasadda Soomaaliya.